'Hooyo makiinada cabitaanka ayey qaadatay'


Nin aad u maseyr badnaa ayaa shaqada kasoo wici jiray xaaskiisa maalin walba "Halkee joogtaa?" -QoreEldhikil
Xaaskina maalin walba waxey ugu jawaabi jirtay "Macaane guriga ayaan joogaa."

"Si aan kuu aamino! Waxaad daartaa makiinada cabitaanka lagu shiido, ee imaqal sii?" kadibne waxey daari jirtay makiinadi cabitaanki, Brrrrrrrrrrrrrrrrrrrrrrrm. -QoreEldhikil

Xaalka sidan ayuu ahaa. Maalin ayuu ninki shaqadi waqti hore kasoo tagay si uu xaaskiisa kadis uga dhigo imaanshihiisa, kolki guriga uu yimid ayuu wuxuu arkay, caruurti oo kaligood guriga joogo, isagoo qeylinaya ayuu yiri "HABARTI XUMEYD HALKEE JIRTAA?" -QoreEldhikil
Mid ciyaalka kamid ahaa ayaa ku jawaabay, "Ma ogi halkey jirto, laakiinse waxey qaadatay makiinada cabitaanka lagu shiido." -QoreEldhikil

No comments:

Post a Comment

Daawo Muuqaalka. #Mahadsanid