Ceeb ilaahey ha asturo, maba asturnee. - By: Abdinasir Eldhikil

Ceeb ilaahey ha asturo, maba asturnee.

Xoolo dhaqato nin ahaa oo murugeysan ayaa fadhiyay goob shaah laga cabo. Nin ayaa soo fadhiistay meel u dhoweyd, kolkaas ayuu xoolo dhaqatadi ninki ahaa weydiyay, "Haye, maxaa ku helay murug ayaa kaa muuqata, shaahina wuu kaa qaboobay?" Xoolo dhaqatada ninki ahaa wuxuu ruxay madaxiisa wuxuna ku jawaabay, "Ceeb ilaahey ha asturo, maba asturnee.."

"Iisheeg arinta sidaan kaaga murjisay?" ninki ayaa weydiyay su'aasha isagoo usoo dhawaaday halki uu fadhiyay xoolo dhaqatada ninki ahaa.

"Hagaag," xoolo dhaqatada ninki ahaa ayaa yiri, "maanta anigoo caano ka lisaaya lo'deyda, ayaan kolki aan buuxiyay weelki, lo'di ayaa lugta ku dhufatay weelki caanihi aan ku lisay dhulka ayeyna ku daateen."

"Waa tahay," ayuu yiri ninki, "laakiin caanaha daatay wax si aad ah looga murugooda ma ahan." "Ee waxyaalaha qaar ayaan la sheegi karin," xoolo dhaqatada ninki ahaa ayaa ku jawaabay. "Maxaa dhacay oo kaa murjiyay hadaba?" ninki ayaa weydiyay. Xoolo dhaqatada ninki ahaa ayaa yiri, "Lo'di xarig ayaan uga xiray lugti bidix."
"Kadibne maxaa xigay?"
"Hadaba, waxaan guda galay inaan caanihi liso. Kolki weelki ii buuxsamay, Lo'di lugteedi midig ayey weelki caanihi ku dhufatay sidaasi ayeyna ku daateen."
Ninki waa uu qoslay wuxuuna yiri, "Markale miyaa caanihi daateen?" Xoolo dhaqatada ninki ahaa ayaa ku jawaabay, "Ceeb ilaahey ha asturo, maba asturnee." "Sidee wax yeeshay?" ayaa ninki weydiyay.
"Lo'di lugti midigne xarig ayaan uga xiray."
"Kadibne?"
"Hadaba, waxaan guda galay mar kale inaan caanihi liso. Kolki weelki ii buuxsamay, Lo'di seynti ayey ku dhufatay caanihi weelki ey ku jireen sidaasi ayey hadane ku daateen"
"Hmmm," ayuu ninki yiri madaxiisi ayuuna dhaqdhaqaajiyay. "Ceeb ilaahey ha asturo, maba asturnee."  Xoolo dhaqatada ninki ahaa ayaa yiri.
"Sidee wax yeeshay?" ninki ayaa weydiyay.
"Hagaag," Xoolo dhaqatada ninki ahaa ayaa yiri, "Ma heysanin xarig kale, sidaasi darteed suunkeygi macawiista ayaan seynti lo'di dhabarkeeda kula xiray. Halkaas arin markey maree, ayaa macawiisteydi dhacday xaaskeygina waxey markaasi soo gashay xiradi ... Ceeb ilaahey ha asturo, maba asturnee.."

No comments:

Post a Comment

Daawo Muuqaalka. #Mahadsanid