Mowduuca: Kaa Yeeli Maayo.
"Dhaqtar maskaxda ku shaqa lahaa ayaa nin u sheegay: "inuu nacas yahay." Ninki ayaa yiri: "kaa yeeli maayo, ee wax kale ii sheeg." Dhaqtarki ayaa markale ku yiri: "Sidoo kale waad fool xun tahay."
Mooryaan weyn ayaa ogaaday qasnaji uu lacag u dhiiban jiray inuu ka xaday isaga lacag gaareysa $10,000 (10 kun oo doolar).
Qasnajiga wuxuu ahaa dhagool-sidaas darteed ayuuna lacagta ugu dhiibtay moryaanki, maadaama uusan hadli kareynin cidna uusan u sheegi karin lacagtiisa.
Mooryaanki ayaa soo aaday goobti dhagoolka uu ku sugnaa si uu u weydiiyo lacagti ka maqneyd, wuxuuna horay usoo watay mid ina adeerkiis ahaa oo yaqaanay sida dhagoolyaasha loola hadlo. Mooryaanki ayaa ina adeerkiis ku dhahay, "Weydii meesha uu lacagteydi geeyay!" Isagoo qaabka dhagoolada loola hadlo isticmaalaya, ina adeerki ayas weydiiyay su'aashi dhagoolki.
Dhagoolki ayaa tilmaamay, "inuusan ogeyn lacagta ey ka hadlayaan.'
Ina adeerki ayaa mooryaanki u sheegay inuu dhagoolka yiri: "Ma ogi lacagta aad ka hadleysaan."
Mooryaanki bistoolad ayuu lasoo baxay wuxuuna madaxa ka saaray dhagoolki, wuxuuna yiri, "Markale weydii lacagta meeshi uu geeyay!"
Ina adeerki isagoo qaabka dhagoolada loola hadlo isticmaalaya, ayuu u tilmaamay dhagoolki: "Hadii aadan u sheegin lacagta meeshi aad geysay, Ninkaan mooryaan waaye wuu ku dilaa."
"Waa yahay. Waa sheegaa," dhagoolki ayaa sidaasi tilmaamay. "Lacagta waxay kujirtaa boorso yar, waxaana ku qariyay dhabarka dambe ee guriga seedigeey!"
Mooryaanki ayaa wuxuu weydiiyay, "Lacagti meel maku sheegyay?"
Ina adeerki ayaa mudo yar aamusnaa, kadib ayuu ku jawaabay, "Dhagoolka wuxuu ku leeyahay Kaa yeeli maayo anigoo reer hebel ah inaad bistoolad madaxa iga saartay, mana lihid awood aad xabad iigu dhufato."
Casharka Nolosha ee sheekadan:
Waa wax la yaab leh sida degdega ah oo dadka waxey ina dhahaan aan u qaadano, xitaa hadii eynaan sidi la rabay warkooda u fahmin. Dhakhtarka wuxuu kuu sheegaa inaad u baahan tahay inaad iska daaweyso cudurka noocaas ah, Dalaalka wuxuu kuu sheegaa inaad dhul meeshaas ku yaalo aad lacag gashato.. waadna iska yeelee warkooda si indha la'aan waxyaalaha noocaas ahi. Maxaad sameynee marki waxaas sameey lagu dhaho? Waa inaad u talo badsataa.
Si kasta waxa laguu sheegayo muhiim u yihiin, ama u qiimo jaban yihiin, amaba u fudud yihiin waa inaad hubisaa iney dan kuu yihiin.
Ujeedada sheekada:
-Marwaliba waad u baahan tahay talooyin kala duwan.
Tusaale ahaan: Waxaa la wada og yahay in goobaha caafimaadka inta badan ay fiirsadaan lacag sidey u heli lahaayeen, sidaasi awgeed ay dadka cuduro aan heynin ku ridaan si dawooyinka u yaala meesha looga gato. Taasoo sii dheer tahay in qalabka wax lagu baarayo iney qaldami karaan. Sikastaba 100 qofkasta 70 kamid ah oo isbitaalada aada ma isku dayaan dhaqtar kale iney ka talo weydiyaan cudurka laga sheegay. Xitaa hadii ey dhacdo inuu sax ahaa cudurka lagaa sheegay iyo in talo fiican marki hore lagu siiyay talada labaad marwaliba waxtar ayay leedahay. Waxaa jira siyaabo badan oo dhib haduu ku heysto lagu xaliyo. Inaad hesho talooyin kala duwan waxey u badan tahay iney noqoto xalka kaliya aad dhibka uga bixi karto.
-Talo badsashada marka hore waxaa laga yaabaa iney kuu cuntumi weyso, laakiinse kolka xaalada si hoose aad u fiiriso, waxaa laga yaabaa inaad ogaato waxyaalo sax aan aheyn sidaasina aad ku go'aansato inaad talo weydisato dad khibrad u leh arinka. Xoogaa iney macquul kula ahaan weyso, ha ka welwelin inaad qof ki talada koowaad ku siiyay aadan ku kalsooneyn. Maxaa yeelay waxaa qofkaas ku waajib ah inuu soo dhaweeyo talo badsashadaada. "Hadii uu yahay Dhakhtar u arka inaad dhakhtar kale ka hubsato cudurki uu kaa sheegay wax isaga lagu dhibaateynaayo, Dhakhtarkaas ama dhakhtaradaas maba aheyn marki hore inaad caafimaadkaada kala tashato."
-Marwalba dantaada waxa ah fiirso. Ha sugin marnaba in dhaktarka ama dalaalka inuu og yahay waxa adiga dantaada ah. Marki la baaray dadka khubarada ahi inta badan iney dhinac wax ka fiiriyaan oo inta badan aan eheyn danta dadka ay wax u sheegayaan.
-Iska hubi inaad talo weydiisato dadka talada u saaxiibka ah oo waliba arimahaaga camal mar waliba ka tala bixiya. Inta jeer arimahaaga kuwo lamid ah ay ka tala bixiyeen, ayuu heerkooda talo siinta noqonayaa.
#Share si uga faa'iideystaan asxaabta. Inaad aqrisay waad ku mahadsantahay.

No comments:
Post a Comment